Daawo:20 Ardey Oo Ka Qalanjabiyey Kuliyadda Caafimaadka Ee Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya

1
2628

Baydhabo(INO) — Munaasabad si Qurux Badan loosoo Agaasimay oo ay ku Qalin-jabinayeen 20 Arday ayaa maanta lagu Qabtay Xarunta jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Sawirka Duushiisa Riix si aad u weynaysato
[nggallery id= 1]
Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb-gallay dhamaan bahda waxbarashada gobolka Bay , Wasiir Ku xigeenka Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee soomaaliya Mudane Maxamed Cali Maxamed (Shuute), waalidiin, arday, iyo marti-sharaf kale oo lagu marti-qaaday ka qeyb-gallka munaasabada.

Guddoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya (USS) Proff. Maxamed Cali Ahmed Kalaay oo Munaasabadda ka jeediyay hadal ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamacadda USS  soo mar-tay iyo kuliyada Caafimaadka oo ay ka qalin-jabiyeen ardeyda maanta  isla markaana shahaadada la guddoonsiyay.

Ardeyda maanta halkan ku qalin-jabisay waa 20 ardey oo isugu jira 7 wiil iyo 13 gabdhood, waxaana ay ka qalin-jabiyeen Kuliyadda Caafimaadka( College Of Nursing” Ayuu yiri. Gudoomiyaha Jaamcadda USS.

Wasiir Ku xigeenka Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Maxamed (Shuute), ayaa ku amaanay ardeyda qalin-jabisay dadaalka dheeraadka ah oo ay muujiyeen iyo sidda ay ugu dhabar adeygeen waqtigii adkaa iyo marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray mudadii ay waxbarashada ku jireen.

Ardeyda maanta ka qalin-jabisay Jaamacada Koonfur Soomaaliya Ee Baydhabo, ayaa iyaga oo faraxsan muujiyeey dareenkooda.

Mid ka mid ah ardeyda oo la hadley Warbaahinta  Idale News Online ayaa sheegay in muddo dheer uu sugayay in maanta oo kale ay soo marto, isaga oo intaa ku darray in Jaamacada Koonfurta Soomaaliya  fursad u siiyay isaga iyo ardeyda kale ee saaxiibadiisa ah in ay waxbartaan, iyaga oo aan meel kale u safrin.

Si kastaba ha haatee, Xubnihii ka socday bahda waxbarashada ee Gobolka Bay ka hadllay munaasabada ayaa ku amaanay Jaamacada  Koonfurta Soomaaliya  ay tahay Jaamacadihii ugu horeysay ee laga her-galiyo Gobolka Bay, waxaana ay sidoo kale hambalyeeyeen ardeyda qalin-jabisay.

Ugu dambeyntii, Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Ee Baydhabo  ayaa la furay May 5, 2007, waana Jaamacadihii ugu horeysay ee laga her-galiyo gobolka Bay.

Idale News Online, Baydhabo

1 COMMENT

  1. Hambalyo dhamaan ardayda ka qalinjebisay USS Baidoa, waa wax lagu farxo in maanta ay arday caafimaad ka soo baxday Jaamacada, waa arrin guud inoo ah hadaan nahay reer Baidoa in mudo ahna waan taweynay arday cusub oo caafimaad darda gobalka wax ka qabata.

    Thanks to USS team and the graduates, Masha Allah.

Leave a Reply to Wadani Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here