Kismaayo(INO)-Xubno ka tirsan Barlamaanka Maamulka KMG ee Jubba oo xaruntiisu tahay magaalada xeebta ah ee Kismaayo ayaa weerar afka ah ku qaadey barlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya. Weerarkaan oo ay u mariyeen saxaafada gudaha dalka gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmey xili xildhibaano ka tirsan dowlada dhexe ee Soomaaliya ay mooshin ka dhan ah Maamulka Jubba iyo dhismaha barlamaanka maamulkaasi u gacan galiyey guddoonka sare ee Barlamaanka.
Qaar mid ah xildhibaanaadaasi gudbiyey mooshinka oo mar sii horeysay la hadley saxaafada gudaha ayaa dhankooda sheegay in dhismaha xildhibaanada cusub ee dhowaan lagu dhaariyey Kismaayo yihiin kuwa hareer marsan nidaamka iyo sharuucda dalka u yaala isla markaasna sheegay xaalada deeganada Jubooyinka iyo Gedo uga sii dari karaan hadaan dowladda dhexe talaabo cad ka qaadin waxa ka socda Jubooyinka.

Idale News Online, Kismaayo