Xudur(INO)- Xildhibaano ka Tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya oo hor kacayo Xildhibaan Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gaarey Magaalada Go’doonsan Ee Xudur ee xarunta Gobolka Bakool iyagoona kulumo la yeeshey Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Xudur iyo weliba Shacab Weyn Magaaladaas.
Xildhibaanada ayaa ku baaqey in la furo wadooyinka ay go’adoomisey Maleeshiyada Mayalka adag ee soomaalida Al-shabab oo dagaal adag kula jirto Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Kuwo Nabad ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya Ee AMISOM.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Wariye Maxamed Aaden Socodaal Warbaahinta Idale News Online, Baydhabo