Daawo: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Booqday Baydhabo

0
292

Muqdisho(INO)- Xildhibaano  ka tirsan Dowladda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Gaarey Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, kuwaasoo kasoo ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Mudanayaashan katirsan baarlamaanka ee lagu soo dhaweeyey  Degmada Baydhabo ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud, kusoo dhaweeyey Wasiiro katirsan Dowladda KGS oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Maaliyada sheekh Xasan Lugbur  ahna kusimaha Madaxweyne Shariif Xasan,wasiirka Arimaha Gudaha Cabdiraxmaan Aden,Wasiirka Hubka Dhigista, Dhaqancelinta iyo tababarada maleeshiyaadka Mudane Xasan Xuseen Maxamed,wasiirka warfaafinta Mudane Ugaas Xasan  iyo wasiirka Gaadiidka iyo Garoomada Cabdullahi Black, iyo ururka haweenka ee Degmada Baydhabo.

Soo dhaweynta kadid  oo xildhibaanadani soo gaaray Baydhaba iyo wasiirada soo dhaweeyey ayaa  si wadajir ah shir jaraa’id garoonka dayuuradaha ee Shaati Gaduud  gudihiisa ugu qabtay.

Ugu horeyn waxaa shirkaasi jaraa’id kahadlay wasiirka Arimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose Mudane  Cabdiraxmaan Sata oo  hadalo  soo dhaweey ah halkaasi kasoo jeediyey.

Sidoo kale wasiirka maaliyada ahna kusimaha madaxweynaha Sheekh Xasan Lugbuur ayaa xildhibaanada ugu mahadceliyey  imaanshaha Magaalada Baydhaba.

Xildhibaan Maxamuud Macalin Yaxye oo kamid ahaa mudanayaasha soo gaaray Magaalada Baydhabo  ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay soo dhawenta diiran ee loo sameeyey.

Ugu Dambeyntii Imaanshaha Xildhibaanadan ee Magaalada Baydhabo Janaay  ayaa waxay kusoo beegmeysaa xili maalmihii ugu danbeeyey Magaalada soo gaarayeen Xildhibaano kuwaasoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa uu salka ku hayo imaanshahooda Baydhabo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here