Xudur(INO)-Waxaa Maanta Magaalada Xuddur Ee Xarunta Gobolka Bakool lagu qabtey shir ay kasoo qeyb galeen dhamaan Bulshada rayidka iyo odiyaashii dib u heshiisiinta ujoogey iyo Hay,ada CRD iyo golaha Xildhibaanada iyo qaar katirsan Wasiiro Ka Tirsan KG Soomaaliya.
Xildhibaanada iyo Wasiirada ayaa Boqolaal Shacab ah ku kala hadley Fagaare ku yaala Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool, iyagoona ugu warbixiyey Socodaalkoodu halka Uu Daaran yahay, waxaan halaas joogey Odayaasha Dhaqanka iyo Culumaa’udiinka Xudur.
Furitaankii shirka waxa furey Gudoomiyaha Degmada Xuddur Mohamed Macalin Ahmed oo soo dhaweeyey dhamaan kasoo qeyb galiyaasha una sheegey in magaaladan Xudur ay tahay magaalo Amaan ah Xilibaanada Dowlada Soomaaliya Ee Ku Sugan Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool Ayaa Kulamo Degmadaasi kula Qaadanayan Maamulka Iyo Shacabka Degmada Xudur .
” Ku Soo dhawaada Nayad Wanaagsan, Ku Soo dhawaada Magaalada Xudur Ee Bakool” ayuu maxamed Macalin.
Halkan Ka Idale News Online, Xudur, Bakool