Daawo: Xildhibaanadii Mooshinka Madaxweynaha keenay oo Gudoomiye Jawaari ku eedeeyey inuu eex iyo nin jecleysi ku maareeyey Waajibaadkiisii Qaran

0
180

Xildhibaanadii keeney mooshinkii looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta shir jaraaid ay ku qabteen magaalada Muqdisho eed dusha uga tuuray Gudoomiyaha Golaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari. xildhibaanada ayaa Jawaari ku eedeeyey inuu hareer marey sharcigii iyo dastuurkii dalka bedelkeeda uu la saftey dhinac ka mid ah dhinacyadii is haayey.

Sidoo kale xildhibaanadaan oo magaalada Muqdisho kula hadlaayey saxaafada gudaha iyo mida dibada waxay sheegeen in uusan habe yaraatee dhicin wax wada xaajood ah oo lagu dhameynaayo khilaafka keenay mooshinka, isla markaasna go’aan aan sharci ku dhisneyn oo rabitaankiisa kaliya uu gudoomiyey ku dhawaaqey.

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in mooshinkii ay madaxweynaha ka keeneen uu sharci yahay isla markaasna uu sidiisa u taagan yahay, aysan dhicin karin in qof iyo dan gaar ah uu shaqsi leeyahay lagu soo afjaro, talaabada ku haboona ay ka qaadaayaa gudoomiyaha barlamaanka.

Idale News Muqdisho.