Daawo: Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar Oo si kulul u weeraray Farmaajo iyo Khayre

0
181

Baydhabo(INO)- Xildhibaan Idiris Abdi Takhtar oo ka soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka inay ka soo horjeedaan Golaha Xukuumadda cusub ee shalay la magacaabay, waxaana uu intaasi ku daray in Ra’iisal Wasaare Khayre uusan kala tashan xubnaha Baarlamaanka Somaliya magacaabista Golaha Wasiirada.

Xildhibaan Idiris, ayaa sheegay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya inuu albaabada ka xirtay dadkii muhiimka ahaa, waxaana xubnaha la soo magacaabay uu ku sifeeyay inay yihiin kuwa saaxiibo dhaw la’ah Ra’iisal Wasaaraha dalka.

“68 Xildhibaan ayaa fariisatay oo ka soo horjeesatay Magacaabistaan Golaha Wasiirada, dowladda waa awood qaybsi 4.5 ayaa lagu qaybsanaayay, awood qaybsigii anaga aan u heli jirnay dowladihii KMG iyo tan tii ka horeysay oo xitaa aan kula balanay Farmaajo inay lama taabtaan tahay, anaga sideena Wasiirka Maaliyada anaga ayaa iska leh sanadkaan xitaa Ra’iisal Wasaare ku xigeen anaga ayaa iska laheyn, balan aan la galnay ayaa jirtay, balantii ayuu nooga baxay, sidaas oo kale Ra’iisal Wasaaraha albaabka ayuu dadka ka xirtay shaqsiyaad isaga isku dhaw yihiin ama Hay’addo ay isagala soo shaqeyn jireen ayuu magacaavay.” Ayuu yiri Xildhibaan Idiris Abdi Takhtar

Xildhibaanada ka soo horjeeda Xukuumadda cusub, ayaa ka soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, waxayna sheegeen in Ra’iisal Wasaaraha uu siiyay Wasiiro aanan macno badan laheyn, taasina uu ku duudsiiyay sida uu hadalka u dhigay xuquuqda dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Idiris Cabdi Takhtar ayaa sheegay inay sugayaan Xukuumadda cusub marka la hor keeno Baarlamaanka Federalka Somaliya oo codka kalsoonida ah loo weydiin doono, isaga oo sheegay inay halkaasi ka muujin doonaan diidmadooda ku aadan Golaha Xukuumadda.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa looga fadhiyaa sida Baarlamaanka uu ku marsiin doono Xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay oo durba mucaarado iyo diidmo la kulmeysa.