Minneapolis, MN, USA (INO) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaamada Koonfur Galbeed, ayaa wareysi gaar ah siiyay Barnaamijka Madasha iyo Martida ee Golaha88.
Xildhibaan Idiris ayaa si faah faahsan uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Abaarta iyo dadaalada socda ee loogu gurmanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, siyaasadda oo uu sheegay in uu filayo in isbedel wanaagsan la helo.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka hadlay ganacsatada waaweyn oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin in ay shaqeyn weydo dowlad kasta oo dalka loo dhiso.
“Dowladdu waxay u baahan tahay inay kontoroosho adeegyada Isgaarsiinta, biyaha, iyo korontada, intaba waxaa haysta ganacsato oo markii la isku dayo in baarlamaanka la horkeeno sharciyada ay dowladdu kula wareegi lahayd maamulka in ay iyagu horjoogsadaan,” ayuu yiri xildhibaan Idiris Dhakhtar.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale ku eedeeyay ganacsatada waaweyn, gaar ahaan kuwa duulimaadka, in ay qeyb weyn ka yihiin jidgooyooyinka yaalla wadooyinka Muqdisho iyo gobolada.
“Shirkadaha duulimaadka dan ayaa ugu jirta in jidadka ay go’naadaan, sababtoo ah Baydhabo iyo Muqdisho, amma Muqdisho iyo Marka ayaa loo kala raacaa diyaarad,” ayuu yiri Xildhibaan Dhakhtar oo sidoo kale ku dhaliilay ganacsatada inay hantidii gacanta ugu jirto haddana aanay gacan ka geyan abaaraha.
Idale News Online.