Baydhabo(INO)-Waxaa hadda si toos ah ugu Socotaa Madaxtooyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaliya Munaasabad Ballaaran oo Lagu Xusayo 1 Luulyo oo Beegan Xilligii Gobolada Koonfureed Ee Soomaaliya ay ka Xuruubeen Fashitigii Taliyaaniga.
Xaflada Waxaa Fadhiya Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gollaha Wasiiradda, Odayaasha Dhaqanka Ee Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bay iyo kan Degmada Baydhabo iyo weliba Ururka haweenka. Khudbadoayaa hadda la jeedinaya.
Waxaana Waxyar ka dib la saaraya Calanka Qaranka jumhuuriyadda Soomaaliya, iyo Sidoo kale Amaanka Madaxtooyadda KGS Si aad ah ayaa loo adkeeyey.
Halkan Ka Daawo Sawiro Hordhac ah
Idale News Online, Baydhabo