Daawo: Xaflad Lagu Taagyeerayo Musharax Gudoomiyaha BFS C/rashiid Xidig Oo Lagu Qabtey Magaalada Birmingham Ee Dalka UK

0
215

Baydhabo(INO)- Xaflad Ballaaran oo lagu taagyeeraayo Musharax Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Soomaaliya C/rashiid Xidig ayaa lagu qabtey Magaalada Birmingham Ee Dalka UK.

Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa taageero xooggan ka helay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaana si xawli ah looga dareemayaa ol-olihiisa isaga oo ay saddexda Xasan Sheekh, Shariif Xasan iyo Cabdikariim ay ku bixinayaan dhaqaale, waqti iyo juhdi badan sidii ay isu beddeli lahayd shaxda

Waxaa jiro Isbahaysi Cusub Sir ah oo  U Dhexeeya Koonfur Galbeed Soomaaliya , Galmudug  iyo qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Beesha Daarood.

77 Xildhibaan lagu soo doortey Koonfur Galbeed iyo Kuwo Galmudug ayaa La sheegey in aysan dooran doonin Musharaxiinta Ka Soojeeda Beesha Digil iyo Mirifle iyadoona 50 % Xildhibaanada BFS Ee Laga soo doortey Jubbaland ay  qabaan arintaas.

Isbahaysiga Cusub Ee Gal-mudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegey in la doonaayo in meesha laga saaro hamiga dhaxal tooyada u eg ee Siyaasiyiinta Beesha Abgaal .

Musharax Shariif Xasan  Sheekh Aaden ayaa la sheegey in hadii uu ku guuleysto Kursiga Madaxweyninimada Soomaaaliya uu ka dhigey RW Qof ka soojeeda Beesha Habargidir.

Ma Cad sida  xaalku uu ku dameyn doono.

Ugu dambeynti, Haddii Cabdirashiid Xiddig ku soo baxo xilka Afhayeenka Baarlamaanka ayaa tartanka Madaxweyne noqonayaa mid u dhexeeya beelaha Hawiye iyo Digil & Mirifle.

Halkan Ka Daawo VIDEO