Daawo: Xaalada Xarunta Agoonta Alxuneyn Ee Baydhabo + Baaq Loo Direy Jaaliyadaha KGS

0
262

Baydhabo(INO)- Xarunta Agoonta ee Alxuneyn oo ay ku jiraan kudhawaad 350 oo Caruur ah ayaa Ardeyda dhigata waxay ka cabanayaan Maro kaneeco la’aan , taasoo aan lakulmey 2 gabdhood oo kamid ah Agoonta kujirta Xarunta oo ay hayso MalaariyO.

Waxaan kaloo lakulney Agoonta   inaysan qabin Go’yaal ama Feraash ay ka hugtaan Kaneecada Baydhabo , dhinaca kale waxaa usii dheer Guryaha ay degan yihiin oo ah guryo duugah oo aan 50 sano ladayactirin , Markaa walaalaha Muslimiinta ah.

Waxaan Laga  codsaneynaa in Agoontaasi in loo raadiyo Maro kaneecooyin oo ay Magaalada Baydhabo laga heli karo iyadoo qiimo jaban ay Tahay waa hadii aad dooneysid Qeyr. tan kale qofkii heli kara Go’yaal ay hugtaan ama Joodariyo waa ugu deeqi karaa.

Dhinac kale Qofkii heli Kara Dhismo Datactir ee kusaabsan Qolal duugoobey oo laga Cabsi Qaba inay kusoo dumaan waa ka qayb qaadan karaa , Xarunta waxay ku dhegan tahay Dugsiga sare ee hore ee 11janaayo ama kasoo Horjeedka Saldhiga weyn .

Ka Qiib Qaado Gacan Siinta Agoontan

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here