Fribourg (INO) – Wefdi ka socda dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay ku suganyihiin dalka Switzerland halkaasoo ay kaga qaybgalayaan shir ku aadan nidaamka federaalka kaasoo ay kasoo qaybgaleen maamulada kale ee ka jira dalka Soomaaliya iyo weliba masuuliyiin ka socota wasaarada arimaha gudaha xukuumada federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacayo magaalada Fribourg ayaa waxaa dowlad goboleedka Koonfur galbeed uga qaybgalaya wasiirka madaxtooyada maamulkaas Maxamed C/laahi Mursal iyo wasiirka biyaha iyo macdanta Aadan Xasan Maxamed (Usaama).
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabisay dowlada federaalka Switzerland oo ka caawinayso dalka Soomaaliya federaalka sida uu u shaqeeyo iyo weliba dhinacyo kale oo fara badan.
Ugu dambeyntii Wefdiga wasiirada Koonfur galbeed ayaa waxa ay kula kulmeen halkaas masuuliyiinta jaaliyada Koonfur galbeed ee dalka Switzerland iyo weliba waxgarad kale oo kasoo Jeeda Koonfur galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo Sawiradda Shirka
Idale News Online, Fribourg