Baydhabo(INO)- Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay soo gaarey Wefdi Ballaaran oo isugu jira Hay’ada UNDP iyo Saraakiil ka socoto Safaaradda Sweden Ee Dalka Soomaaliya.
Wefdiga ayaa waxay Kulumo la yeesheen Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka arimaha Gudaha Dowladaha Hoose C/raxmaan Ibraahim Aaden Sate, Maamulka Gobolka iyo Kan Degmada Baydhabo, waxayna Booqasho ku tageen Cusbitaalka Guud Ee Degmada Baydhabo iyo Saldhiga Degmadaasi.
Ka dibMarkii Kulumada iyo Booqashad Soo Dhamaadeen waxaa Saxaafada Si wada jir ah u La Hadley, Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya C/raxamaan Ibrahim Aden Sate, iyo Wefdiga UNDP iyo Kan Safaaradda dalka Sweden.
“ Waxaan ka wada hadalney, Sidii loo xoojin lahaa Taagyeerada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamul Wanaaga ;waxayna soo indha indhiyeeyey Cusbitaalka iyo Saldhiga Magaalada Baydhabo” ayuu yiri Wasiirka
Sidoo kale Sarkaal ka socodey Hay’ada UNP iyo Safaarada Sweden oo maanta Soo gaareen Degmada Baydhabo ayaa sheegeen in ay u yimaadeen sidii ay u taagyeeri lahaa Hanaanka Maamul wanaaga iyo weliba Taagyeero ay siinayaan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“ Waxaan ka soconaa Xafiiska Safaaradda Sweden Ee Magaalada Nairobi iyo UN-ka, waxaan booqaney Cusbitaalka iyo Saldhiga Baydhabo, waxaan ka taagyeeri doono maamulkan Dhanka Maamul wanaaga, dib u dhiska iyo weliba arimaha bini’aadanimada” ayuu yiri Sarkaalka u hadla Wefdiga.
Ugu dambeyntii, Mudooyinkii dambe, waxa magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, soo gaarayey wufuud kala gedisan oo xeer caalami ah isla markaana waxay kulumo la yeelanayeen Madaxda iyo Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Warqabadka Xafiiska Baydhabo