Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara badan dhaliyay oo ka dhacay afaafka hore ee aqalka baarlamaanka wadanka Canada waqooyiga qaaradda Ameerika.
Rag hubeysan ayaa rasaas labeegsaday fagaaraha xisbiga talada haya kadibna waxaa xigay toogasho uu gudaha baarlamaanka ka geysanayay Nin hubeysan.
Dagaal saacado socday ayaa ciidanka ammaanka Canada iyo ragga weerarka qaaday dhaxmaray,R/wasaaraha Canada oo khudbad ka jeediyay telefeshinka wadankiisa ayaa sheegay in laba askari oo booliska katirsan lagu dilay toogashada tira kalane dhaawacyo ayaa gaaray.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa ku dhawaaqday in bandaw lagusoo rogay hareeraha xarunta baarlamaanka,muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka ammaanka ayaa muujinayay rasaas xooggan oo ka dhacaysay gudaha xarunta baarlamaanka.
Sirdoonka Canada ayaa shaki ka muujinaya in weeraro is xigxigay oo Attawa ka dhacay ay fuliyeen xoogag islaami ah oo isku xir wanaagsan leh,Dowladda Canada ayaa qeyb ka ah duullaanada ka dhanka ah muslimiinta caalamka iyadoona ka qeyb gashay weerarka xulufada Mareykanku ku qaadeen Ciraaq iyo Suuriya.
Idale News Online