Baydhabo(INO)- Wasaarada Haweenka Qoyska iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha e Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo bandhigtey Waxqabadoodka Mudadii ay jirtey.
Wasiir ku xigeenka wasaarada marwo Binti Ibraahim cali Ayaa waxay tan iyo xiligi xilka wasaarada loo dhiibay waxay dadaal dheer ugu jirtay gudashada waajibaadka xilka ay u qaaday umada soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiir Binti waxay kulamo kala duwan laqaadatay Guud ahaan Haweenka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ku dhaqan Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay oo ay wasaaradu si KMG ah ugu shaqeeyso wadatashi badan kadib.
Waxqabadka Wasaaradda
- Wasaaradda waxay kulamo iyo shirar muhhiima uga qeeb gashay muqdisho oo lagu soo bandhigayay hindise sharciyeedka xeer ka jinsiga Ee Soomaaliya.
- Wasaaradda haweenka Iyo Xaquuqul insaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo waxay qiib Lixaad ka qaadatey Nabadeynta Beelo walaalo ah oo Dagaalamey Gobolka Shabellaha Hoose.
- Wasaarada ayaa la kulantay Marwada Madaxweynaha dalka Soomaaliya halkaasoo looga falanqooday waxqabadka wasaarada, baahiyaha haweenka, iyo horumarka macquulka ah ee mustaqbalka dhow loo jeexi karo.
- Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Sheegtey Bishii hore in dib u eegis ku samayneyso baahiyaha haweenka KGS soo gudbiyeen, oo ku wajahan horumarinta barnaamiyada haweenka.
- Wasaarada Haweenka ayaa la kulantay wufuud kala duwan oo danayeena arimaha Haweenka iyo Daryeelka Caruurta.
- Wasaaradu waxay soo aruurisey Kiisas Kufsi ah oo loo geystey Gabadhaha Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoona digiino adag ka Bixisey arintaasi
- Wasaarada Haweenka Waxay Qabatey 1st – 12th Decmber 2015 tababar ku saabsana ka hortaga kufsiga caruurta yar yar, haweenka iyo tacadiga guud iyo habkii looga hortagi lahaa.
1. Halkan Riix: Wasaaradda Haweenka KGS Oo Ku Baaqdey In Haweenka Laga Qiib Galiyo Siyaadda iyo Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
3. Halkan Riix: Wasiir Binti Ibraahim Cali “Waxa Laabteena gubaya Haweenka Aan Waxba Haysan Oo Hadana Caruur Korinaya
4. Halkan Ka Daawo: Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Haweenka Ee Dowladda KGS Oo Gaartey Galkacyo
Ugu dambeeyn wasiirada Haweenka iyo Xaquuqul insaanka Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay dadaaleysa waxay hada qalabeynta Xafiisyadii ay ku shaqeeyn lahayd maadama si KMG ah ay xarun Golobolka Bay ugu shaqeeyso.
Halkan Ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo