Wanlweyne(INO)- Ururka Dhalanyaradda Degmada Wanlweyn Ee Gobolka Shabellaha Hoose oo Kullan muhiim ah Ku yeeshey Magaalada Muqdisho ayaa waxay ugu hadleen Arimo dhowr ah isla markaana waxa shirkaas diirada ay ku saareen Siida looga wada Qiib Qaadan Lahaa Dhismaha Isbitaalka Degaanka Aw Cismaan Ee hoostaga Degmada Wanleweyn.
Qaybaha kala duwan ee bulshada Deegaanka Aw Cismaan Ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ay soo mareen dhibaatooyin caafimaad ayaa wali sheegaya inay baahi wayn u qbaan qaybtan hooyada iyo dhalaanka oo ah kuwa Bulshada ugu nugul.
Dayacaas iyo qalab la’aan uu ku shaqeeyo Isbitalka Aw Cismaan Ee Gobolka Shabellaha Hoose hadana waxa uu sabab u noqday badbaadinta Haween badan oo xilliga dhalmada la keeno Magaalada Wanleweyne iyo Muqdisho.
Ugu dambeyntii, waxgaradka iyo Dhalanyaradda Degmada Wanleweyne ayaa ka codsadeen Jaaliyadaha, hay’adaha iyo bulshada gudahaba inay ka caawiyaan dhismaha Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Ee Degaanka Aw Cismaan Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Idale News Online, Muqdisho