Daawo: Waxgaradka Beesha Hubeer Ee Gobolka Banaadir Oo Shir Yeeshey

0
381

Muqdisho(INO)-Waxa Shir Balaaran  isuga yimid Odayaal,  waxgarad, Aqoonyahno, iyo Dhalanyaro  ka soo jeeda Beesha Hubeeer Ayaa ka Dhacey  Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Gobolka Banaadir.

 Shirkan Oo ahaa mid  muhiim ah isla markaana  ujeedkiisa ahayd sidii beesha Hubeer loo mideyn lahaa oona  la isugu xiri lahaa Meelkasto ay joogaan ee gobolada Dalka Soomaaliya, Isla markaana  Door lixaad leh ugu  qiib qaadan lahaayeen xasalinta Soomaaliya, iyo sidoo kale sidii Ay u Soo xulun lahaayeen Xildhinanada Ugu mid noqonayo Maamulka Jubba iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Proff. Xuseen  Iiman & Dhalinyarada Beesha ayaa waxaa lagu marti qaaday Wax garadka & xildhibaanada, Aqoonyahanada Beesha.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray War Murtiyeed, kaasoo ahaa in Beesha Hubeer loo sameeyo Hogaan Waayo arag ah oo Aqoon leh, sidoo kale waxaa shirkan loogu dhawaaqay dhamaan deeganada ay kala soo jeedaan Beesha ay xubno soo magacowdaan si uu isla xisaabtan u jiro.

Shirkan oo si nabad ah usoo gaba gaboobay ayaa waxa  Jimcaha danbe la balamay in qodobo xeer hoosaad u ahaan doono Beesha  Hubeer la ansixiyo, waxaana lagu wargaliyey dhamaan Beeshu in ay kasoo qayb gallaan  si wax la isla ogaado.

Halkan Ka Daawo Sawiradda.

ii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here