Daawo: “Waxaan iri afkii aan Ethiopia ku iri erya erya, kuma soo dhaweyn karo, kadibna sidan ayaa la i yeelay”

0
181

Galcad (INO) – Nabadoonka guud ee degmada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud oo lagu magacaabo Muxumad Cali Gacal ayaa jirdil xun iyo xabsi seddax bilood ah kala kulmay ciidamada Itoobiya ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud, isagoo sheegay in afkii uu ku yiri “Erya Erya” hadana uusan ku dhihi karin “Soo dhowaada Itoobiyooy”.

“Beriga waxa noo socday waxaan u dareenay inay yihiin agoon aabayaashood Soomaaliya ay leysay, sidaas ayaana ugu qaxnay oo duurka u galnay, waxaan ka mid ahaa odayaashii ay u yeereen, waxaan iri aniga idiinma imaan karo, waxaan ogeyn in Soomaaliya la leeyahay Itoobiya Erya Erya, Soo dhoweeya Soomaali dhaheysa weligeey maanan arkin marka aniga Itoobiyaay soo dhowaada aniga dhihi ma karo, meel laga amaannana ma karan karo, sababtu waxaan ogahay in Itoobiya naxariis u galeyn Soomaaliya ayaa ogahay” ayuu si qiireysan u yiri Nabadoon Muxumad Cali Gacal.

“Waxaan u arkay Itoobiya, Soomaaliyay wax u qabaneysaa, Weer ari soo hooyi la leeyahay, sidaasi markaan dhahay, dowladda Xasan Sheekh ciidan ka socda iyo macaawisleeyda ley soo diray gurigeyga baadiye ee u qaxay iiga daba yimid oo iga soo jajuubay” ayuu sii raaciyay nabadoonka.

Nabadoon Muxumad Cali Gacal ayaa Soomaalida dal iyo dibad ku sugan ugu baaqay inay u midoobaan gumeysiga iyo wax uu ku sheegay amxaarada inay la dagaalamaan oo iska Xuriyaan.

Halkan KU DHUFO VIDEO DAAWO