Daawo : Wasiiru Dowlaha Wasaarada Warfaafinta DFS Oo Maanta Soo Gaarey Baydhabo

0
564

Baydhabo(INO)- Waxaa Manta Magaalada Baydhabo hoolo Shaqo Kutagey Wasiirudawlaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawlada soomaaliya, Waxaana uu booqadey Qaar kamid ah Xaruumaha Warbaahinta Ka howlgasha Magaalada Baydhabo.

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Dawlada soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Pekos ayaa marki uu soogaarey Magaalada Baydhabo waxaa uu Booqadey Xaruumaha idaacadaha kahoolgala Magaalada Baydhabo iyo Sidookale Xafiiska Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SOONA.

Waxaana idaacadaha uu booqadey kamid ahaa Radio Warsan . Radio Baydhabo iyo raadiyaha ku hadka Afka dawlad gobaleedka KG
Waxaana Wasiirku uu la kulmay Agaasimiyaasha, Tafatiriyaasha Idaahadaha iyo Wariyaasha kashaqeeya Idaacadaha,isaga oona ka xog wareysanaayey howlahooda shaqo iyo baahiyahooda.

Waxaana Agaasimiyaashu ay uga mahadceliyeen Wasiirku Booqashada uu ku yimid idaacadaha Magaalada Baydhabo.

Waxaana ay ka codsadeen Agaasimiyaasha Wasiirku in Wasaarada Warfaainta Kor ay uqaado Tayada waririyaasha ka howlgala KG gaar ahaan Magaalada Baydhabo kuwaas oo mudo sanada ah aan helin Fursado aqoon korarsi Taas oo wasiirkuna si aad ah u soo dhaweeyey.

Ugu dambeyntii Wasiiru dawlaha Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawlada Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Pekos ayaa kormeerada kadib La hadlay Warbaahinta Warbaahinta Waxaana uu faafahinaya ujeedada Socodaalkiisa Mgaalada Baydhabo.

Halkan Ka Daawo Sawiro

bee1

bee2

bee3

bee4

bee5

 

0608010

Wariye Abshir Maxamed Nuur, Idale News Online Baydhabo