Daawo: Wasiiro Ka Tirsan Koonfur Galbeed Oo Kormeeray Dhismaha Ka Socda Garoonka Shaati Gaduud

0
499

Baydhabo(INO)-Ku simaha madaxweynaha Dowlada  Koonfur Galbeed soomaaliya ahna wasiirka  Beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi   iyo wasiirka Awqaafta iyo diinta  Axmed Maxamed Barre  ayaa kormeerey  geebaha kala gedisan ee Dhismaha  ka socoda garoonka Diyaaradaha  ee Shaati Guduud ee Magaalada  Baydhabo Janaay.

baydhabo

Maareyaha Guud Ee Garoonka  diyaaradaha ee Baydhabo  Salaad Maxamed Mukhtaar(Salaad Jeeri) ayaa sheegey in dhismaha cusub ee ka socoda Garoonka Diyaarahada Baydhabo  si wanaagsan u  socodo  isla markaana labo gaari oo ah noocyada dabdamiska ah ay soo gaareen Garoonkaasi.

” labadan  Booyadood waxaa la siyey Gobolka Bay, heegan  ayey ku jiraan  mar weliba sidoo kale  waxa looga tala galey in ay damiyaan Dab hadii garoonka uu ka kakaco ama magaalada, Mid waxay Qaadaa 1870 L, midna Waxay qaadaa 200l, Waxaana iska leh shacabka Baydhabo,digil iyo Mirifle ayaa iska leh, Waxaan  soo tababarney 11 qof oo dab damis ah ” Ayuu yiri salaad jeeri.

Ku Simaha Madaxweyanaha Dowlada  Koonfuarr Galbeed ayaa ugu baaqey shacabka magaalada baydhabo in ay qiib qaataan, howlaha  dib u dhiska  magaalada Baydhabo, isla markaana waxa uu carabka ku adkeeyey in mar weliba ay wanaagsan tahay hormarinta Adeegyada Shacabka Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

” Waxa aan ku faraxsanahay booqashada Garoonka Shaati ee baydhabo, oona kula kulmo maareyaha Garoonka, isagoo dhismaha garoonkan la kaashanayo Ganacsatada baydhabo gaar ahaan Gudoomiyha Ganacsatada baydhabo, Waana arin far weyn leh” ayuu yiri Maxamed Xasan Fiqi.

Sidoo kale Maxaamed Xasan fiqi ayaa baaq u direy shacabka Baydhabo ” Anigoo ku hadlayo magaca madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya iyo Magaca gollaha Wasiirada, waxaan  ka Codsan lahaa Shacabka  magaalada baydhabo runtii in xil weyn  ay iska saaraan Dib u dhiska Garoonka Shaati taakuleyna ay ka geystaan  waxaan rajeynayaa in mustaqbalka dhow uu noqdo garoonkan mid la mid ah Garoomada caalamanka, waxayn ku xiran tahay taasi dadka reer Baydhabo” Ayuu yiri Maxamed Xasan Fiqi.

Sidoo kale waxaa kale halkaasi ka hadley wasiirka Awqafta iyo Diinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  Axmed Maxamed” Waxaan ku faraxsanahay Shaqada Ka Socoto Garoonka Shaatiguduud oona bulshada wax looga qabanaayo, Garoonka waxa uu ka mid yahay meelaha Ganacsiga hormarinayo waxaan sidoo kale ku faraxsanahay Warbixinta uu nasiyey Maareyaha Garoonka, meeshii dadka ay ku nasan lahaayeen, Xafiisyada iyo Garoonka sida loo balaarin lahaa” Ayuu yiri wasiir Axmed Maxamed Barre.

Ugu Dambeyntii Mudooyinkii dambe waxaa  ka socodey garoonka diyaaradaha  baydhabo dib u dayactir balaaran  iyo dhismooyinka Cusub oo lagu soo kordhey,taasoo qiib ka noqondoonto hormarinta iyo Raadinta Adeegyada  bulshada Shacabka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.