Baydhabo(INO)- Wafdi ka socda golayaasha Xukuumada iyo baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen xubno ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa lagu sheegay ukuurgalida xaaladaha amaanka, Horumarinta iyo Waxbarashada, waxaana ay kulamo la yeesheen Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Wafdigan maalmaha ay joogan magaalada Baydhabo waxa ay la kulmayaan Odayaasha dhaqanka oo ay ka wada hadli doonan arrimaha la xariira dhismaha baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Idale News Online, Baydhabo