Baydhabo(INO)- Waxaa maanta Jaamacadda Koofurta Soomaaliya Ee Maagalada Baydhabo Kormeer Hawleed ku yimid wasiiro ka socda dawladda Goboleeda Koonfur Galbeed iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya.
- Wasiirada Booqashada Ku Yimid Jaamacadda Koonfur Soomaaliya Ee (USS) ayaa waxay yihiin
- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
- Mudane Jamaal Xasan Ismaciil
- Axmed Xaji Cabdi Agaasimaha was. Boostada iyo Is gaarsiinta Dawlada Federaalka Somaliya
- Maxamed cabdi Waare ICT Project Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta.
- Maxamed Ali Mahamed (Shute) Wasiir ku xigeenka Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
- Maxamed Cumar Saytuun Wasirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed.
- Jibril Maxamuud Aadan wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaa kormeerkooda ku aadanaa sida Jaamacadda Koofurta Soomaaliya ay u ogaalan lahaayeen xagga awooda INTERNET ka tayadiisa iyo sidii loo keeni lahaa Qalab casri ah oo Fabro Optic oo Ardayda ka caawin lahayd sidii si fudud wax ugu baran lahaayeen. masuuliyintaas oo sheegay in ay wax qaban doonaan.
Ugu dambeyntii, JaamacadaKoonfurta Soomaaliya Ee Magaalada Baydhabo, ayaa ku talaabsatay Hurumar weyn sanadii u danbeeyay.
Halkan Ka Daawo
Idala News Online, Baydhabo