Muqdisho(INO)-Waxaa Maaanta Magaalada Muqdisho Ee Casiimadda Soomaaliya laga furey kulan looga hadlaayo imtixaanka mideysan Ee fasalka 12aad dugsiga sare oo dhowaan ay ku dhawaaqdey Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee DFSoomaaliya.
Kulanka ayaa waxa Ka Qiib galey Madaxda Wasiiradda Waxbarashadda Maamulada Goboleedyadda Dalka Soomaaliya iyo wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Marwo Khadra Maxamed Bashiir iyo Wasiir Ku-xigeenka Waxbarshada iyo Taclinta Sare ee Soomaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan.
14 bisha June ayaa Loo Fadhiisan DoonaaImtixaanka Guud Ee Fasalka 12aad Ee dugsiga Sare ee Dalka Soomaaliya iyadoona ay kulan Maanta ay shir gudoomineysey Wasiiradda Waxbarashada DF Soomaaliya Dr. Khadar Bashir Cali.
Waxaa kusoo qeyb galey wasiirka waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow iyo wasiirada waxbarashada Maamul Goboleedyada Dalka kulanka maanta ayaa ahaa mid horudhac ah waxaana uu socon doonaa mudo laba maalin ah , isla markaana Go,aanan laga soo saari doono maalinta ugu danbeysa ee Shirka.
Si kastaba ha ahaatee, Shirka ayaa Imaanaya Xilli Maalintii Shaley Wasiirka Wasaarada Waxbarshada iyo Taclinta Sare ee xukumada Soomaaliya iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradaasi ooo si wadajir ah Warbaahinta shirjaa’id ugu qabtay maqaalada Muqdisho oo ay ka warbxiyeen sida ay u socota is diiwaangelinta ardayda dugsiyada sare oo ay wado wasaaradda Waxbarashada ee ku aadan ka qeybgalka imtxixaanadka sanad dugsiyeeda 2014 iyo ilaa 2015 oo sanadkaan si midaysan ay u qaadayso Wasaarada.
Wasiire Ku-xigeenka Waxbarshada iyo Taclinta Sare Xaamud Cali Xasan ayaa Shaley sheegay in xiligaan ay wasaaradu iska diiwaangeliyeen 4500 oo arday oo diyaar u ah in ay ka qeyb qataan imtixaanka sanadkan.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Taclinta Sare ee Soomaaliya Khadar Bashir Cali ayaa sheegtay in Wasaaradu ay mudo 10 cisha ah ay ku dartay xiligii la qaadi lahaa imtixaanka maadaama ay wali socoto is diiwaangelinta ardayada Soomaaliyeed ee ku nool gobalada dalka waxaana intaas ay ku dartay in si wanaagsan ay u socota is diiwaangelinta Ardayd.
Halkan Ka Daawo.