Daawo: Wasiirka Waxbarashadda Iyo Barbaarinta Ee KGS Oo Maanta La Kulmey Madaxa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Ee Hay’ada UNICEF

0
298

Baydhabo(INO)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Barbaarinta  ee Dowladda KG Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa maanta la kulmey madaxa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee Hay’adda UNICEF Mr.jean michel isla markaana  howlo shaqo u jooga Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Wasiirka ayaa uga warbixiyey xaaladda  waxbarasho ee ka jirta Gobolada KG Soomaaliya  iyo baahida hada jirta, isla markaana waxa uu  carabka ku adkeeyey inay hay’daha UNICEF ee soomaaliya  kaalin  weyn ay ka geysato Raadinta tayada waxbaarashada  ee KGS iyo agabyo waxbarasho oo ay u baahan yihiin ardeyda Goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya inay la soo gaarto.

Mr.Jean michel, Madaxa Xafiiska Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya  ee Hay’ada UNICEF ayaa  soo dhaweeyey, dadaalada iyo isku dabaridka Hawlaha Guud ee ay wado Wasaaradda waxbarahadda iyo barbaarinta Ee Dowladda  KG Soomaaliya oo Curduranka ah.

Hay’adda UNICEF ayaa ballan qaadey inay si deg deg ahi ugu  soo jawaabeyso arintaasi, iyadoona wasaaradda waxbarashadda iyo Barbaarinta ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya  dhawaanahan ay Waday Dadaalo ku aadan Sidii waxbarasho tayeysan looga heli lahaa degaanadda Koonfur Galbeed Soomaliya.

Ugu dambeyntii, Hay’ada UNICEF ayaa waxay Soomaaliya ka waday tan iyo sanadkii 1973 Mashaariic kala gedisan oo ay ka mid yihiin waxbarista Caruurta Soomaaliyeed, iyadoona inta badan ay  caawineyso Hooyada iyo Dhilaanta Soomaaliyeed.

Halkan Ka Daawo.

  • sadaad 1sadaad 1saadaad 2Mustafe Garabey, Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here