Daawo: Wasiirka Waxbarashada KGS Oo Ka Qiib-Galey Shir Looga Hadlayey Horumarinta Iyo Tayeynta Waxbarashadda Dalka

0
342

Muqdisho(INO)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Lagu soo Gebo-Gabeyey  Shir looga Tashanayey  hormarinta iyo tayeynta  waxbarashada dalka, dardar galinta qorshaha wasaradda waxbarashada xukumadda Soomaaliya iyo wasaaradaha waxbarashadda Ee Dowlada Goboleedyadda Dalka Soomaaliya oo ay ku doonayaan  in  sanadkaan ay ardayda ka soo  baxaya dugsiyada sare  ee koonfurta iyo bartamaha  kaga qaadaan  imtixaan midaysan, samaynta manhaj  waxbarasho oo midaysan  iyo qobada kale ee laxiirta  arimaha waxrabashada dalka ayaa lagu soo gabo-Gabeeyey  magalaada muqdisho.

Shirkaani oo logu magacdaray aas-aaska wada tashiga midnimada waxbrashada Soomaliyeed  isla markaana ay soo qaban qaabisay wasaradda wax barashada Soomaaliya iyo Wasiiro ka socday mamaul Goboleedyadda Dalka  iyo Aqoonyahano, waxana uu socodey mudo 2 cesho ah.

Wasiirka waxbarashada  hidaha  iyo  taclinta sare ee  xukumadda Soomaaliya marwo  Qadar Bashir Cali  ayaa maanta shirkaasi  soo xirtey.

Qorshaha  wasaradda waxbrasha  iyo tacliinta sare ay ku doonayso in sanadkaan ay qaado imxixaan midaysan  24 sano kadib ayaa  qayb ka ah hormaradda  ku talaabsanyan  hay’adda  kale duwan  ee dowlada federaalka soomaliya.

Ugu Dambeyntii  Wasiirka Waxbarashadda  iyo Barbaarinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa ku tilmaamey Shirkani  tilaabo muhim ah oo horseedeysa nabad iyo Horumar Guuleh.

Mustafe Garabey, Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here