Baydhabo(INO)-Waxaa Maanta ka furmay xarunta Wasaaradda waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya kulan Muhiim ah uu dhaxeeya Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Barbaarinta Ee KGS Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow iyo Maamulada Dugsiyada ku yaalo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Kulan kaan ayaa ah mid looga hadlaayey midaynta Imtixaanaadka dugsiyada Magaalada Baydhabo, waxaana ka soo qiib galay Dhamaan maamulada dugsiyada Hoose, Dhexe Iyo Sare Ee Baydhabo.
Shirkaan maanta ka furmay xarunta wasaarada waxbarshada iyo Barbaarinta Ee KGS ayaa socodey muda Saacado ah, waxaana shir guudoominayey wasiirka waxbarashada Ee KGS Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow.
Ka Qiib galiyaasha Shirka ayaa Soo dhaweeyey Talooyinka iyo tilmaamaha uu u soojeediyey Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Ee KGS.
Kulan kaan maanta wajigiisa Koowaad furmay ayaa ah kii ugu horeeyay ee iskugu yimadaan Maamulada dugsiyada Baydhabo iyo Wasiirka waxbarshada waxana la filayaa in laga soo saaro Go’aamo laga gaarey midaynta Imtixaanadka Iskuulada Baydhabo.
Ugu dambeyntii waxana arintaan imanaysaa xili dugsiya farabadan ka howlgalaan Degaanada KGS kuwaa oo si gaar ah loo leeyahay.
Mustafe Garabey, Idale News Online, Baydhabo