Daawo: Wasiirka Waxbarashada& Barbaarinta Ee KGS Oo Wado Barnaamij Lagu Hormarinayo Af-Maayga

0
221

Muqdisho(NO)-– Shirkii Todobaadka Xuska Afka Hooyo oo Mudooyinkan ka socdey Caasimadda Dalka Soomaaliya kaa oo ku qeyb galey wasiirka waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa  la soo xirey kuna soo gabo gaboobey guul iyadoo wasiirka kasoo gaarey hadafkii uu uga qeyb galey kulanka Kana soo mira dhaliyey Baaqii Jaamacadda Bay & Aqoonyahanada Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Iyo barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Caliyow ayaa ku adkeeyey, Gudiga Akadiymada Af- Soomaali Maxaatiga in Cilmi baaris dheer ay ku  sameeyaan Afka May-ga oo ka mid ah Afafka Cushtiga ee Looga Hadlo Mandhiqada Geeska Afrika isla markaana Ku dhawaad bulsho 3.5 Million ah ay ku hadlaan.

Jaamacadda Bay iyo Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya aya Dhawaan ka codsadeen Wasiirka Waxbarashada Iyo Barbaarinta Ee KG Soomaaliya in uu istaago Hormarinta Afka Maayga, isagoo taasi taabagalinayo   ayuu  ku sheegey shirkii Lagu weyneynayey  Af Soomaali Maxaatiriga in Afka Maay-ga  uu hodon ku yahay Xigmado iyo Maah maahyo  isla markaana aan ku jirin eriyo Qalaaad.

Halkan Ka Daawo.Displaying DSC04249.JPGDisplaying DSC04246.JPGDisplaying DSC04237.JPGDisplaying DSC04230.JPGDisplaying DSC04229.JPGDisplaying DSC04228.JPGDisplaying DSC04227.JPGDisplaying DSC04224.JPGDisplaying DSC04222.JPGDisplaying DSC04213.JPG

Displaying DSC04211.JPGDisplaying DSC04209.JPGMustafe Garabey, Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here