Muqdisho(INO)-Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta KGS Sadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa kulan la qaatey Hay,adda DDG Danish Dim-mining Group taa oo howlo horumarineed ka wadda Gobolka Bay Gaar ahaan waxbarashada ayagoo ka wada hadley sidii loo hormarin lahaa waxbarashada Deegaanada KGS.
Sidoo kale waxa kulan la wada galeen Wasiirka waxbarasha iyo wasiirka Caafimaad Isaaq Cali Subag Sargaal ka tirsan Hay,adda UNICEF iyadoo kulanka ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadley sidii wasaaradahaas looga caawin lahaa howla shaqo ay ka hayaan Deegaanada KGS wuxuuna kusoo dhamaadey is afgarad wanaagsan oo guul leh.
Dhan kale Wasiirka waxbarashada & barbaarinta KGS Sadaad Mohamed Nuur Aliyow ayaa la kulmey Madaxda Hay,adda NRC kadib si wada jir ah booqasho kormeer ah ku tagey Dugsiyada waxbarasho sida Dugsiga Gabdhaha Cabdalla Deerow Isaaq iyo Dugsiga DR. Ayuub oo ku yaala degmada Baydhabo kaa oo dib udhis ka wadey Hayadda NRC taa oo wasiirka marka uu tagey aad ufarxad gelisey aadna usoo dhoweeyey shaqada hay,adda ay ka waddo Dugsiyada,
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Baydhabo.