Baydhabo(INO)- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Eng. Jaylaan Sheekh Maxamed Xasan ayaa Maanta Magaalada Muqdisho Kaga Qiib Galey Shir Dib u habeynaayo Sharciga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Shirkan oo Socon Doono Mudo 2 Maalmood ah, waxa Maanta Daah Furey Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshadda Ee Dowlada Federalka Soomaaliya C/weli Muudey, Isla markaana Halkaas waxaa Joogey Ku Xigeenkiisa Osman Libaax Ibrahim ,Agaasimaha Wasaaradaas iyo Sidoo kale Xubo Ka Socodey Gudiga Shaqaallaha Riyadka Soomaaliya.
Shirkan waxa Ka Soo Qiib Galey, Ergooyin ka Socoday Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jubbaland, Gal-Mudug iyo Weliba ergo kale oo ka socotey maamulka hadda Dhismaayo Ee Goboladda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo Qaar ka mid ah Shaqaallaha Wasaaradda.
Inta uu soconaayo Shirka Dib u habeynta Sharciga Shaqaalaha Rayidka Soomaaliya, waxa lagu falanqeyn doona Qabyo Qaraalka Cutubyo kala Gedisan oo Sharciga Shaqaallaha Raiydka ah Kuwaasoo Wax lagu dari doono ama wax laga dhimi doono, iyadoona marka uu Soo dhamaado wadatashiga la horgeyn doono Baarlamanka Soomaaliya iyo Gollaha Wasiiradda DFS.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Idale News Online, Muqdisho