Baydhabo(INO)-Shir looga hadlayay qorshaha Hiigsiga cusub ee Soomaaliya ayaa goor dhaw lagu soo xiray magaalada Baydhabo ee gobalka Baay, gaar ahaana Madaarka magaaladaas, iyadoo ay ka qeybgalayeen Shuraakada Soomaaliya iyo Madaxda dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed, dawladda Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah.
Wasiirka Qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah ee dawladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte iyo Saraakiil ka socotay xukuumada Soomaaliya oo ka qeybgalay shirkan ayaa sheegay in ay Soomaaliya wax badan ka fahamtay qorshahan, isla markaasna ay Soomaalidu diyaar uyihiin sidii ay uga faa;iideysan lahaayeen qorshayaasha dalka Soomaaliya dib loogu dhisayo.
Shirkan ayaa socday labo maalmood, waxaana maanta ka soo baxay go’aano la xariira sidii loo dardar galin lahaa mashaariicda qeybta ka ah Hiigsiga cusub ee Soomaaliya, kaas oo ay ugu horeeyaan arrimaha dhaqaalaha oo laga taageero Soomaaliya, Waxbarashada, Siyaasada iyo amaanka oo kor loo qaadayo.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.