Muqdisho(INO)-Wasiirka wasaaradda, Hawlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Mudane Eng. Saalax Cismaan Muuse ayaa Maanta kulan la qaatey Gudoomiyaha Naafadda Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegey in dadka naafadda ah ay leeyihiin xuquuqo, isla markaana waxa uu sheegey in dhamaan Hotelada magaalada Muqdisho ku yaalo iyo kuwa hadda la dhisaayo inay u sameeyaan meel ay mari karaan naafadda Soomaaliyeed.
” Curyaamiintu waxay la’yihiin jid ay maraan, Meelaha iskuulaada , Baararka si ay ku gaaraan ma lahan iyo sidoo kale Hoteeladii ma gaari karaan, Xaquuqdii ay lahaayeen ayaa lagu tuntey, sidaas daraadeed wasaaradu waxay soo dhicineysa Xaquuqdooda ay lahaayeen, Hoteelada waxaan ku amreynaa inay sameeyaan meel ay soo maraan Curyaaminta, shirkaddaha Jidadka Sameeyana waxaan ku amreynaa inay sameeyaan meel ay marikaan, Naafadda Soomaaliya” ayuu yiri Eng Saalax Sheekh Cismaan Muuse
Dhnka kale wasiirka Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Mudane Eng. Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa sheegey in wasaaradiisu ay xafiisyo ay ka furaneyso dhamaan Gobolada iyo degmooyinka dalka isla Markaana waxa uu sheegey in dhawaan wasaaradiisu ay la kulantey, madax ka socotey, Maamul Gobolobeedyadda Dalka.
” Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya waa wasaaradii ugu horeysey oo shir isugu yeertay, Wasiiradda Maamul Goboleedyada oo Idil, waynu wada hadalney, wasaaraddu waxay rabtaa inay u guurto Goboladda iyo Degmooyinka Dalka” Ayuu yiri Wasiirka
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Muqdisho