Baydhabo(INO)-Waxaa Maanta Booqasho ku tagey isbitaalka magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, Wasiirka Arimaha Gudaha ahna Kusimaha Madaxweynaha Dowladda KG Soomaaliya Mudane Abdirahman Sate,Wasiirka Caafimaadka Mudane Isaaq Cali Subag iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowladda KG SoomaaliyaMudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow kormeerka ayaa ahaa mid ay kula soconayeen xaaladda Isbitaalka iyo Sida hawlihiisa Shaqa ay u Socoto.
Wasiirka caafimaadka Ee Dowladda KG Soomaaliya Mudane Isaaq Cali Subug ayaa shaqaalaha isbitalka Baydhabo sida ay ula qabsadeen shaqooyinkooda waxa ay warbixin ka dhegeysteen Agaasimaha Cusub Ee Isbitaalka Mr.Abdifatah Ibrahim Haashi Gaabow iyadoo qeyb qeyb u booqdeen dhamaan qeybaha isbitaalka uu ka Kooban yahay.
Maamulka Sare Ee Isbitalka Degmada Baydhao ayaan amaan iyo bogaadin usoo jeediyey Wasiirka caafimaadka ,kusimaha Madaxweyna ahna wasiirka arimaha gudaha ayaa sidoo kale amaaney shaqada uu qabtey wasiirka caafimaadka oo isbedelo hormarineed iyo Dardarinta Howlaha Isbitaalka ka sameeyey cusbitalka.
Si kastaba ha haatee, Mudooyinkii dambe, ayaa isbitaalka Guud ee Baydhabo waxa Ka Taagnaa Is Qabqabsi soo noqnoqonaayey iyo Dib u dhacyo badana ay ka muuqdeen ayaa hada ah mid ay wada faraxsan yihiin shaqaalaha dhismooyin hormarineedna laga fuliyey guulahaas ayaa ah miduu soo hoohiyey wasiirka caafimaadka Ee Dowladda KGS Mudane Isaaq Cali Subag.
Ugu damabeyntii Isbitalka Guud ee Magaalada Baydhabo ayaa ah isbitalka ugu weyn ee gobollada KG Soomaaliya, waxaana lagu daweeyaa bukaano laga keeno guud ahaan gobollada KG Soomaaliya iyo Weliba Gobolka Gedo, iyadoo ay imika isbitalka jiifaan bukaano qaba xanuunno kala duwan kuwaasoo lagu daweeynayo.