Daawo: Wasiir Usaama Oo U Kuurgaley Noolasha Barakacyaal Ku Dhibaateysan Baydhabo

0
266

Baydhabo(INO)- Wasiirka wasaarada Biyaha iyo Macdanta Dowlada Koonfur Galbeed Somalia Wasiir Aadan Xasan Maxamed ayaa manta Booqdey Kaamam ku yaal  Duleedka Baydhabo oo ay ka mid ahaayeen  Hayat weyn Kaamka 11 Janaayo Kaamka hidaaya weyn iyo kaamam kale halkaasi oo ay ku jiraan boqolaal barakacayal ah oo xiligan la Daaladhacaya abaaraha Xilagan ka jira Koonfur Galbeed Somalia.

Wasiirka ayaa marka uu gaarey kaamamkaas waxa uu warbixin uu ka dhageystey koox caafimaad oo qaabilsan baraarujinta waxa uuna booqashadisa ay ku qotomeysey sidii uu Si dhow uu ula socon lahaa Biyaha la gaarsiinayey kaamamkaas iney yihiin kuwa nadiif xilli wasaarada NGO-ga JRRN iyo hay’ada UNICEF ay iskala shaqeynayan Nadiifinta Biyahaaasi.

Gudoomiyaha kaamka 11 Janaayo Aadan kheyr iyo qaar ka mid ah Barakacayaasha ku jira kaamamka   ayaa ugu horeyn wasiirka warbixin ka siiyey xaaaladada kaaamamka iyo Sida xilgan ay maareynayan noloshooda.

Wasiirka wasaarada Biyaha iyo Macdanta Dowlada Koonfur Galbeed Somalia Wasiir Aadan Xasan maxamed (Usama) oo dhankisa la Hadley Idale News Online ayaa sheegey in wasaaarada Dadaal dheeri ah ay ugu jirto Badbaadinta dadka ku jira xerooyinka barakacaysha oo u nugul in uu soo rito cudurka shuban biyoodka oo xiligan ka jira Baydhabo

Ugu dambeyntii, Dadaalada ay wado wasaarada Biyaha iyo Macdanta Dowlada Koonfur Galbeed Somalia oo ku aadan ka fogaanshaha Biyaha  wasakheysan ayaa waxa ay kusoo  aaadeysaa xilli Tiro Dad ah ay u geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka Baydhabo.

Halkan Ka Daawo VIDEO

Halkan Ka Daawo Sawiro

Wariye Maxamed C/Casiis Salaad

Idale News Online, Office/Baydhabo