Daawo: wasiir Odowaa oo gaaray Dhuusamareeb & muran wali ka taagan

0
199

Dhusamareeb(NO)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, waxaana isla markiiba loo galbiyay Xarunta Odayaasha Dhaqanka ay kaga sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa waxa uu Magaalada Dhuusamareeb kulamo kula qaadan doonaa Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Gobolada Dhexe, iyadoo uu wali murun xoog leh ka taagan yahay halkii lagu qaban lahaa shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe.

Dowladda ayaa sheegtay in shirku uu ka dhici doono Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan & Xeeb, halka Odayaasha Dhaqanka ay wali doonayaan in lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud.

Halkan Ka Daawo.

DAAWO-MUUQAAL

Idale News Online, Dhusmareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here