Daawo: Wasaaradda Waxbarashada Ee KGS Oo Ku Amartey Goobaha Waxbashada Ee Baydhabo In Lagu Barto Luuqada Maay-ga

0
260

Baydhabo(INO)-Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta dhaqan galisey xarumo lagu barto luuqda May-ga oo ka mid ah luuqadaha Af Cushtic-ga ee Looga hadlo Koonfurta Soomaaliya iyo qiibo ka mid ah Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Munaasabad Balaaran oo ay  Ka Qiib galeen Waxgarad iyo Weliba ardey tiro badan ayaa maanta ka dhacey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, taasoo looga gul leeyahay sidii u taabi gali lahayd arintaasi.

Wasiir Ku Xigeenka wasaaarda Waxbarashada Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya Proff; Jipriil Yuusuf iyo Madaxa Naafada Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya Xuseen Xasan Mursal ayaa si wada Jir ah ay u sheegeen  ahmiyada Qorista iyo Akhrinta  ee Af-maay-ga oo ka mid ah Afafka looga hadlo mandhiqada Geeska Afrika Isla markaana ay ku hadlaan dad tiradoodu lagu qiyaaso 3.5million oo ruux.

Ugu dambeyntii amarkan maanta ay  soo saartey Wasaaraddu ayaa imaanayo xilli dhawaan Jaamacada Bay, ka Dalbatey wasaarada waxbarashada ee KGS in  ay hormariso Afka Maay-ga, isla markaana waxay sheegtey in luuqda May-ga Ay ku dartey manhajkeeda Jaamacada.

Halkan Ka Daawo.Displaying DSC04048.JPGDisplaying DSC04046.JPGDisplaying DSC04047.JPGDisplaying DSC04045.JPGDisplaying DSC04042.JPG

Displaying DSC04040.JPGDisplaying DSC04039.JPG

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here