Daawo: Wasaaradda waxbarashada Dowlada KGS Oo Maanta Kormeertey Qaar ka Mid Ah Iskuulada Baydhabo

0
251

Baydhabo(INO)-Waxa si toos ah u bilowdey shaqada xafiiska wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta Dowlada koonfur galbeed soomaaliya, waa wasaaradii ugu horeysey  oo furto xafiiska wasaarada isla mrkaana waxaa si rasmi ah u bilaabatey booqashada iskuulada nadaamiga ah ee ka jira  magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo barbaarinta Dowlada KGS  Mudane Jibriil Maxamuud Aadan ayaa maanta hogaaminayay wafdi kormeer ku sameynayay iskuulada  isla markaana weli waxaa soda kormeerada iskuulada iyadoo la qiimeynayo tayada ardada, manhajka iskuulada, tayada macalimiinta, nadaamka iskuulka, horumaradii ay gaareen mudooyinkii ay jireen iyo waxyaalaha baahidoodu tahay.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa amaaney  dadaalka ay sameynayaa iskuulda madama ay soo mareen xaalado adag kuna sii adkeysteen in aysan istaagin faa,idadii uwadeen umada Bulshada Degaanada  KGS welina ay wadaan waxuna usheegey in dhiiro gelin iyo taageero horumarineed siin doonaan ardadana sidoo kale ubalan qaadey in la xaqab tiri doono baahida ay u qabaan waxbarashada lana dhiiro gelin doono iyaguna dadaal xoogan sameeyaan, waxaa weli dhamaanin booqashada iskuulada iydoo gobolada iyo Degmooyinka KGS lawada gaari doono.

Ugu dambeyntii Wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta dowlda KGS ayaa dooneysa in  ay tira koob rasmi ahi ku sameeyso guud ahaan iskuulada gobolada koofur galbeed isla markaana waxa ay dooneysa in ay mideeyso manhajka iskuulada.

Halkan Ka Daawo Sawirada

Mustafe Garabey, Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here