Daawo: Wasaaradda Maaliyada Koonfur Galbeed oo Deeq Ah Gaarsiiyay Xarunta Dhimirka Magaalada Baydhabo

0
258

Baydhabo(INO)- Wasiirka Wasaaradda maaliyada KG oo Deeq cuno ah gaarsiiyey  xarunta dhimirka isla markaana waxa uu  hay’adaha samafalka ka codsaday inay il gaar ah ku eegaan xaruntaasi.

Kadib markii uu dhowaan wasiirka wasarada maaliyada Koonfur Galbeed Sh Xasan Lugbuur  uu booqday xarunta dhimirka magaalada Baydhabo ayaa maanta wasiirku waxa uu cuno kala duwan gaarsiiyey xaruuntaasi.

Wasiirka ayaa markii uu halkaasi gaaray waxa uu gudaha u galay  qolalka ay bukaanada jiifaan iasagoona xog wareysi la yeeshay maamulka xarunta dhimirka iyo bukaanada.

Madaxa xarunta Aadan Jentleman ayaa ka warbixiyey xaalada guud isagoona dhanka kale ka mahad celiyey cunada wasiirka uu soo gaarsiiyey.

Intaas kadib wasiirka Maaliyada Sh Xasan Lugbuur waxaa uu dhankiisa sheegay in dowlada KG ay ka war hayso kana war hayndoonto xarunta isagoona dhanka kale hay’adaha ugu baaqay in ay usoo gurmadaan dadka ku jira xarunta dhimirka magaalada Baydhaba.

 Halkan Ka Daawo

xarunta dhimirka (7)xarunta dhimirka (5)xarunta dhimirka (8)xarunta dhimirka (6)xarunta dhimirka (2)xarunta dhimirka (1)xarunta dhimirka (4)Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here