Daawo: Wasaaradda Amniga Dowlada KGS Oo Soo Gebo Gabeysey BarnaamijkaTodobaadka Amniga iyo Dhiiro Galinta Ciidanka

0
385

Baydhabo(INO)- Munaasabado Is xig Xigay oo Lagu kala qabtay Xarunta  Madaxtoyada Dowlada  KGS oo loo qabtay Ciidanka Booliska KGS oo ay kasoo qeyb galeen taliyaha Booliska soomaaliya Wasiirka Amniga KGS Madaxweyne Sharif xasan Sheikh Aadan ,Wasiiro iyo Xilidhibaano Ka Tirsan BKGS.

Sidoo kale waxay Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kooxda Baambeyda socod dheer ku wada mareen wadooyinka waa weyn ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Xaflad kale oo Lagu Qabtay Xarunta Degmada Baydhabo oo kasoo qeyb galeen Maamulka Degmada iyo kan Gobolka Bay oo ay hurmuud ka ahaayeen Gudoomiyaha Degmada  Ahna Duqa C/laahi Cali Watiin iyo Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashid C/laahi  Maxamed (LFC) oo lagu soo Bandhigay wada shaqeynta shacabka iyo laamaha Amaanka Degmada.

Sidoo kale Xaflad kale oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada Amniga iyo xarunta Ciidamada Nabad Sugida KGS Ee NISA oo lagu Dhiiri gelinayay Ciidanka NISA  Ee KGS Isla markaana shahaado sharaf lagu siiyay taliyaha Nabadsugida Degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Aflow Guushii uu ka gaaray gacan ku soo dhigidii Shabakadii ka danbaysay  2dii  qarax Ee  dhacey Baydhabo kuwaasoo diley 58 ruux, Dhaawaceyna  Kudhawaad 80 qof sida Maxkamada Ciidamada Darajadda Koowaad Soomaaliya ay Sheegdey.

Si kastaba ha ahaatee, xalay lagu soo gabagabeeyay taliska Ciidanka Xooga Dalka qeybta 60 aad halkaasoo lagu bogaadiyay taliska qeybta 60 aad, saraakiil iyo askar intaba Isku soo wada duubo.

Ugu dambeyntii, Barnaamijka Todobaadka Amniga iyo  Dhiiri Gelinta Ciidanka ay kaalin mihiim ah ay Ka qaateen kooxda Heegan Ee Hanuuniyaasha Qaranka oo ay soo Bandhigeen Riwaayado iyo Heeso wadani ah oo lagu dhiira gelinaayo Ciidanka Qalabka sida ee soomaaliyeed ayaa si guul ah ku soo idlaaday.

Halkan Ka Daawo

aflow iyo

01020304

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here