Daawo: Wasaarada Qorsheynta Iyo Iskaashiga Caalamiga KGS Oo Soo Dhaweysay Meel Marinta Sharciga Hay’adaha

0
231

Baydhabo(INO)- Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaalia ayaa Maanta Soo Dhaweysay Ansaxinta Baarlamanka KGS Ee Sharciga Diiwaan galinta Hay’adaha iyo NGO-yada  Ka howlgala Degaanada Koonfur Galbeeed Soomaliya, Shircigan Oo ay soo diyaarisey ayna soo gudbisay Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Ee KGS.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/naasir Cabdi Caruush ayaa ansaxin ka dib qabtey shir Jaraa’id, wuxuuna ka hadley ahmiyada Shacigan uu leeyahay isagoona u Mahadceliyey mudanayaasha BKGS.

“Waxaa Alle mahadiis ah in Dood dheer, Sixitaan iyo Aqris badan ka dib Maanta la ansaxiyey Shaciga hay’adaha, Sharcigan oo La soo marsiyey Gudiga Maaliyada Ee Baarlamanka iyo Qorsheynta, Markii gudiga ay soo turxan bixiyeen waxaa la keeney Baarlamanka Doodna laga geley Isbuucii la soo dhaafey in sharcigaas la ansaxiyo, Waxaan u mahadcelinaya Gudoonka Baarlamanka iyo Xildhibaanada BKGS” Ayuu yiri   Mudane C/naasir Cabdi Cabdi Caruush,

 

” Sharcigan wuxu noqon doona mid abuura jawi wada shaqeyn iyo isku warqab dhow oo u dhexeeya wasaaradaha iyo Hay’adaha Fulinaya Shaqooyinka Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sharcigan sidoo kale waxa inoo saamaxaya in aan ogaano shaqooyinka ka socoda 3 gobol ee KGS,  Hay’ad weliba shaqooyinka ay qabato iyo goobta ay ka qabato, wasaarada qorsheynta ay hay’adaha talooyin ka siiso sidii ay isu dheelitiri lahaayeen barnaamiyada samafalka iyo Horumarinta ka socota Ee KGS ” Ayuu mar kale yiri  Wasiir Caruush.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamey in 15 bisha November ee soo socota ay bilaabeyso is diiwaangalinta Hay’adaha isla markaana loo qiibin doono warqado isagoona xusey in Sharciga Diiwaan galinta Hay’adaha ka Shaqeeeya Koonfur Galbeed Soomaaliya aysan ku jirin ama khuseynin Hay’adaha Qaramada Midoobey Ee Soomaaliya waxaana uu hoosta ka xariiqay in kuwaas ay leeyihin Nidaamyo kale.

” Waxaa inoo Qorsheysan in 15 November 2016 aan u qiibino hay’adaha Foomamka isdiiwaan galinta, markii ay qaataan hay’adaha Foomamkaas waxa laga rabaa inay isku diiwaan galiyaan mudo 30 cesho gudahooda, inta aan la gaarin 15 December 2016,  Sharcigani ma khuseeyo Hay’adaha Qaramada Midoobey, waxa jiri doono macaamilo kale oo dowlada kala dhaxeyn karo, waxaan rajeynaya in Hay’adaha ay u hogaansimi doonaan, waxaana uu yahay sharciga midka kaliye ee laga ogol yahay Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dowlada Koonfur Galbeed Waxay yeelaneysa hal diiwaan galin, waxaana la iska diiwaan galinaya Wasaarada Qorsheynta, Maamulada Heer Gobol iyo Heer Degmo waxay u hogaansami doonaan midkaas isdiiwaan galin, Lacagta aruurinteeda waxa iska leh wasaarada maaliyada” ayuu mar kale yiir Wasiir Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Ee KGS.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Wasiirka

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo