Daawo: Wasaarada Haweenka KGS Oo Maanta Baydhabo Ka Furtey Shir Looga Hadlaayo Hindise sharciyeedka Mabaadida Jinsiga

0
518

Baydhabo(INO)- Wasiir kuxigeenada Wasaarada Haweenka Iyo Xaquul insaanka KGS ayaa maanta Magaalada Baydhabo Shir looga doodaayo Hindise sharciyeedka Mabaadida Jinsiga uga furtay Haween ka kala socoday Gobolada iyo Degmooyinka KG.

Kulunkan Wadatashiga Qaran ee Hindise sharciyeedka Mabaadida Jinsiga oo manta kafurmay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa siwadajir ah u soo qabanqaabiyey Wasaarada Haweenka iyo Huquuqul insaanka Dawlada Somaaliya iyo Tan Koonfur galbeed.

Waxaana Furitaankiisa ka sooqiibgalay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Haweenka Iyo Xaquuqul in saanka KG Gudoomiyaha Gobolka Bay, wakiilo Ka socoday wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul insaanka KG Culmaa’udiin Waxgarad iyo Haween ka kalasocoday Dhamaan gobalada iyo Degmooyinka Ka arimiyo Dowlada KGS.

Waxaana kulanka Maanta intiisa badan Lagu falenqeynaayey Tacadiyadaha loogeysto Caruurta iyo Hawenka oo ay kamidyihiin Kufsiga loogeysto Xaweenka soomaaliyeed iyo  arimo kale oo quseeyey Caruurta iyo haweenka.

Gudoomiyaha Gobolka Bay Mudane C/rashiid C/laahi Maxamed Ayaa Labada Wasaaradood ee iskakaashadey Qabashada Kulankani Uga mahad celiyey  Sida ay u difaacayaan Haquuqda Haweenka Iyo Caruurta  Soomaaliyeed

Ugu dambeyntii Wasiir Kuxigeenada Wasaarada Haweenka iyo Haquuqul insaanka KG Binti Ibraahim Cali ayaa shegtay  Kudhiira galisay haweenkii ka sooqiibgalay  Shirka in ay si aad ah ugadoodaan  Xaquuqaha ay kudhaxleeyihiin Bulshada inteeda kale.

0102030404 05

06 07

Wariye Abshir Maxamed Nuur, Idale News Online, Baydhabo