Daawo: Wasaarada Gadiidka KGS oo Hawlaha Garoonka Shaati Gaduud ku wareejisay shirkada M&G Moonlight & Golyome

0
236

Baydhabo(INO)- Wasaarada Gadiidka iyo Garoomada Koonfur Galbeed ayaa hawlaha garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhabo ku wareejisay shirkada M&G Moonlight & Golyome.

DSC00054

Munaasabad arintaasi kusaabsan oo ay kasoo qayb galeen wasiiro ka tirsan KG  iyo marti sharaf kale ayaa ka dhacday hoolka Shirarka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Koonfur Galbeed mudane Cabdullaahi Aadan Axmed (Black) oo ka hadlay munaasabada shirkada M&M lagula wareejinayay hawlaha garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba ayaa waxa uu sheegay inuu filayo inay kasoo dhalaasho shirkadaas hawlaha loo idmaday oo ay ka midyihiin dhameystirka dhismayaal ka socda garoonka iyo hawlo kale.

Dhanka kale masuuliyiin u hadashay shirkada Moonlight and Golyome ayaa sheegay inay u gudan doonaan hawlaha loo idmaday si wanaagsan islamarkaasna uu ku maqsuudo wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed iyo shacabka Baydhaba guud ahaan.

Garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhabo ayaa waxa uu kamid yahay garoonada ugu waa weyn Soomaaliya isaga oo leeh wado laami ah oo ay diyaaraduhu ku ordaan islamarkaasna ay halkii marba soo fariisan karaan dhowr diyaaradood oo ah kuwa waa weyn.

Ugu dambeyntii, Intii lagu guda jiray bur burkii ka dhacay dalka Soomaaliya ayaa garoonka waxaa soo gaaray dayac xoogan ayada oo ay sidoo kalena gebi ahaanba meesha ka baxeen hangaradii ay ku xaroon jireen diyaaradaha ciidamadii cirka Soomaaliyeed maadaama uu garoonka Baydhabo ahaa mid ciidamada iyo rayidkaba wada adeegsan jireen.

Halkan Ka Daawo

DSC00008DSC00011DSC00037

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here