Qorshahan ayaa wuxuu dhigayaa in dhamaadka bisha Febaraayo ciidanka Kenya ee haatan ka howlgala gobolka Jubbada Hoose gaar ahaa magaalo xeebeedka Kismaayo laga saaro halkaas, laguna reebo ciidan tiro ahaan gaarsiisan 130 ilaa iyo 170 askari oo ciidanka Kenya ah, isla markaasna hogaanka iyo taliska ciidanka AMISOM ee magaalada Kismaayana lagu wareejiyo hal guuto oo Sierra Leone ah oo wehelinayaan ciidan Burundiyaan ah iyo Boolis Nigerian ah.
Taliyaha ciidamada AMISOM ee Kismaayo Walter Raria oo u arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in qorshaha cusub ee ciidanka KDF (Kenya Defence Force) looga bedalaayo Kismaayo ayaa qaadan doonta muddo 2 bilood ilaa afar bilood ugu badnaan.
Idale News Online