Daawo: Wararkii Ugu Dambeeyey Xaalada Marka Ee G/Sh/Hoose

0
294

Marka(INO)-Waxaa maanta ka Dhacay xaafadda “Waa Cuneena Waa Cabeenaa” iska horimaad kooban kadib markii  Sida La Sheegey maleeshiyo  ka soojeeda Beesha Habargidir ah oo wado qardo jeex soo maray soo fadhiisteen meel aan ka fogeyn Koontroolka laga soo galo degmada Marka.

IMG_0598

Odeyaal laga soo diray magaalada Muqdishu ayaa weli ku howlan xalinta dagaalada labadii maalin ee ugu dambeysay ka dhacayey degmada Marka ee xarunta, odeyaasha ayaa hadda ku sugan degmada Marka.

Odeyaasha ku sugan magaalada Marka ayaa kala ah Nabadoon Kuule Cabdi, Nabadoon Daa’uud Hudle, Nabadoon Xaaji Ibraahim iyo kuwoo kale.

Sawiro laga soo qaaday xaafadda “Waa Cuneena Waa Cabeenaa”  kadib iska horimaadkii maanta ayaan halkaan idinku soo gudbineynaa

 

IMG_0594IMG_0595IMG_0599

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here