Bajunbura(INO)-Laba Idaacadood oo ku yaala Magaalada Bujumbura, ayaa maanta dab la qabadsiiyay, iyadoo mid kalana ay albaabada u laabeen Xoogaga Dowladda Burundi taabacsan.
Uuro, ayaa la arkaayay iyadoo cirka isu shareertay Khamiistii maanta, markii xoogaga ammaanka ay dab qabadsiiyen Idaacadahaasi. Idaacadaha waxaa lagu heystaa iyagoo baahiyay afgembigii uu Arbacadii ku dhawaaqay Major General Godefroid Niyombareh.
Telefishinka Qaranka Burundi, ayaa hawada laga saaray, balse waxaa hawada si toos ah ugu jira Radiyaha afka Xukuumadda Bujumbura ku hadla.
Tan iyo markii Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza uu bishii April iclaamiyay in mar 3-aad uu doorashada u tartami doono, ayaa waxaa dalkaasi lagu dilay 18 ruux, oo rayid u badnaa.
Ciidan Dowladda taabacsan, ayaa waxaa la sheegay inay dagaal kula wareegen gacan ku haynta Magaalada Bujumbura, ka dib markii laba garab uu Militarigu u kala jabay.
Taliyaha Ciidanka Difaaca Burundi, General Prime Niyongabo, ayaa maanta waxba kama jiraan ku tilmaamay afgembiga ka dhanka ah Madaxweynaha, isla-markaana uu Madaxweynuhu yahay Hogaamiyihii Burundi, sida uu yiri.
Midowga Yurub iyo Mareykanka oo ku baaqay in dib loo dhigo doorashada dalkaasi, ayaa waxaa ku gacan seyray Madaxweyne Pierre Nkurunziza. Doorashada waxaa lagu wadaa in bisha June ka dhacdo dalkaasi.