Daawo: Wakiilka QM Ee Soomaaliya Oo Baydhabo Soo Gaarey iyo Shir Muhiim Ah Oo Ka Socoda Madaxtooyada

0
213

Baydhabo(INO)- Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo Ee X arunta Gobolka Bay, Soo gaarey Wefdi Ballaaran uu Hogaaminaayo Wakiilka Cusub Ee QM Ee Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Mr. Machael Keating.

Wefdiga waxaa Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ku Soo dhaweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh, Gollaha Wasiirada KGS, Maamulka Bay iyo Kan Degmada Baydhabo iyo Xildhibaano.

Kullan ka Xasaasi ah Ayaa hada  ka socoda Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo looga hadlaayo Arimaha Amaanka Gobolka Shabellaha Hoose,Doorashada Soomaaliya, Qiibsaiga Xubanaha Aqalka Sare Ee Soomaaliya, taasoo  Sida loo qiibiyey ay ka soo horjeedo Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo  kale Erigiga QM Ee Soomaaliya, ayaa waxa uu la kulmaya Odayaasha Dhaqanaka Iyo Wakiilo Ka Socoda Ururka Dallada Bulshada Rayidka (  SOSWENSA)Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasoo laga dhageysan Doono Arigtidooda Ku aadaan Doorashda Sanadkan 2016.

Warkan Waxii Ka Soo Kordho Kala Soco Wararkeena Dambe

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here