Baydhabo(INO)—Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar ah u ah maamulka Koofur Galbeed uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.
Wafdiga waxaa magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi.
Ujeedada wafdiga ee magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa iney la xiriirto arimaha doorashooyinka ee ka dhacaya magaalada Baydhabo iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Baydhabo waxaa shalay kasoo laabtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana madaxweynaha uu sheegay in arimaha doorashada uu u tagay magaalada.
Magaalada Baydhabo ayaa leh ahmiyad weyn, maadaama laga soo xulayo xildhibaanada ugu badan ee sanadkaan ka qeyb noqonaya baarlamaanka Soomaaliya.