Baydhabo(INO)-Munaasabad xariga lagaga jarayay wado cusub 00 dhex marto xaafada Towfiiq ee magaalada
Baydhabo ayaa waxa ay ka dhacday isla xaafadaas.
Munaasabada ayaa waxaa kasoo qaybgalay Gudoomiyaha degmada Baydhabo, CabduLlaahi Cali Watiin, wasiirka amniga dowlad Koonfur Galbeed Cabdifitaax Ibraahim Geesey, waslirka hub ka dhigista, dhaqan celinta iyo tababarida maleeshiyaadka ahna kusimaha wasiirka arimaha gudaha Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Bay marwo Muraayo Mad Deer, gudoomiyaha ururka haweenka degmada Baydhabo marwo Xaawo Sokorow Cali iyo masuuliyiin kale.
Wadada 00 u dhererkeedu yahay hal kiiloomitir ¡yo bar ayaa waxaa sameynteeda iska
kaashaday dad ka degan Xaafada Towfiiq Ee Magaalada Baydhabo kuwaasoo iska ururiyay kharashka ku baxay ayada oo ay ku baxday wadadaas lacag dhan $90, 000.
Gudoomiyaha degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin oo ka hadlay munaasabada xariga loogaga jarayay wadada cusub ayaa sheegay ¡n haddii ay dadku sidan 00 kaLe isku kaashadaan ay wax badan qabsan karaan. “ Deeqda ay dalalka Shacabka Galbeedka siiyaan wadadama Afrika waxaa Lagasoo ururiyaa dadka dalalkaas sida beeraleyda ¡yo dadka caadiga ah, hadaba anaga dhulkeena khayraad badan ayuu leeyahay, waxaan aaminsanahay deeqda ay dalalka bixiyaan wax ka badan innaan hell karno hadaan is kaashano” sidaas waxaa yiri Gudoomiye Cabdullaahi Cali Watiin.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo waxa uu sheegay Inay wadooyinku muhiim u yihiin isku socodka
dadka ¡yo gaadiidka ¡saga oo kula dar daarmay shacabka Baydhabo in meelaha luuqyada ay maraan
xitaa loo bedelo wadooyin sidoo kalena wadooyinka hada jiro ¡yo kuwa dhismayaba laga dhigi doono
laamiyo si loo horumariyo bilicda magaalada Baydhabo.
Ugu Dambeyntii, Magaalada Baydhaabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ka socda mashaariic dib loogu dhisayo wadooyinkii hore halka kuwa kale oo cusubna la sameynayo ayada 00 uu gudoomiyaha Degmada Baydhabo sheegay Inay
Baydhabo diyaar u noqdaan in ay wadooyinka ka durgaan gaar ahaan dadka guryahoodu ama dhismooyinkoodu wadooyinka u dhowyihiin.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com