BaydhabO(INO)- Gudoomiyaha Barlamanka ahna kusimaha Madaxweynaha Dowlada KGS waxa uu manta xariga ka jaray wado cusub oo lagu hergaliya magaalada Baydhabo wadadaasoo lagu magacaabo Xanaano 2 oo dhirirkeedu yahay 3Km.
Halkan Ka Daawo VIDEO
Furitaanka wadada waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa Magaalada C/laahi Cali Watiin oo ay welinayaan gudoomiyaha Barlamaanka ahna kusimaha Madaxweynaha Dowlada KGS Mudane Cabduqadir Sheekhunaa, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaala KGS Jaylaani Sh.Maxamed Xasan,wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan clinta maleeshooyinka Koonfur Galbeed Mudane xasan Xuseen Maxamed, iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socda DFS Iyo wakiil ka socda Hay’ada ILO oo mashruucaan taabi galisay.
Gudoomiyaha degmada oo ka hadlay halkaas ayaa waxaa uu sheegay inaysan tani ahaan doonin midii igu horeysay uguna dambeysay ay Dhisaan ay sii socon doonto dayactirada wadooyinka Magaalada Baydhabo.
Dadka ku nool dibada waxaan ugu baaqayaa inay wax ku cawinkaraan howshan hada bilowga ah waxaan rajeenayaa Umad badan inay ku dayan doonto.
Ugu dambeyntii, Maamulka Degmada Baydhabo oo bilaabay inuu dib u dhis ku samreeyo Wadooyinka Degmada Baydhabo.