Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka digay in QM iyo diplomasiyiinta ajaanibta kale ee ku sugan Soomaaliya ay ku qasbanaan doonan in ay isaga baxaan dalka hadii ay sii socdaan weerarada ay wadaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab.Nicholas Kay ayaa hadalkaani ku cel celiyey kadib markii labo maalmood oo isku xiga oo magaalada Muqdisho lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Necholas Kay ayaa sheegay in weerarada Al-shabaab ay geesanayaan ay ka dhalatay khasaaro badan taasi oo suurta galin karta in mas’uuliyiinta caalamiga ah ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho ay isaga baxaan.
Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay waxa uu yiri waxaa jiri doonta talaabooyin aanu qaadan doono hadii ay sii socdaan qasaaraha ka dhalanaya weerarada Al-shabaab ay geesanayaan.
Nicholas Kay ayaa ka hadlayay machadka Mareykanka ee dhanka nabada ah ee ku yaala Washington waxa uu sidoo kale sheegay “shaqaalaha QM waa ay feejigan yihiin,khalad ka dhaca qaabka loo sugayo amaanka ayaa nagu qasbi doonta in Soomaaliya aynu isaga baxn