Daawo Video: Sheekh Xasan Xuseen iyo Marwadiisa oo la soo taagay Maxkamad ku taala Magaalada Nairobi.

0
228

Waxaa maanta Maxkamad ku taala Magaalada Nairobi la soo taagay Sheekh Xasan Xuseen Aadan, oo loo yaqaano Abuu Salmaan iyo xaaskiisa.

Sheekha iyo xaaskiisa, ayaa 1-dii bishaan lagala baxay gurigooda Magaalada Nairobi, ka gadaal markii lagu eedeeyay in ay cilaaqaad la lee yihiin Ururka Al Shabaab.

Xeer Ilaalinta dalka Kenya, ayaa Sheekha iyo xaaskiisa ku eedeysay in hoygooda laga helay laba xabo oo bambo gacmeyd ah.

Maxkamada, ayaa waxay diiday in wax damiin ah lagu soo sii daayo Sheekh Xasan Xuseen iyo xaaskiisa, ilaa iyo inta laga gaaraayo 17-ka April, oo 13 cisho ay inaga xigto.Xasan Xuseen

Idale News Online.